You need to have the Flash Player installed and
a browser with JavaScript support.
BOOKMARK VIDEO:
Link to this video
Description
Munaasabad si weyn loo soo agaasimaya oo lagu caleemao Saarayay islamarkaana lagu dhaarinayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Hoteelka Kambiski ee magaalada Jabuuti. Munaasabada oo ay ka soo qeyb galeen dad weyne aad u fara badan islamarkaana usugu jiray wafuud ka kala socota beesha caalamka iyo xildhibaanada barlamanka ayaa waxaa mudanayaasha Barlamanka maanta lagu hordhaariyaya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Goobta ay ka dhacaysay dhaarinta madaxeynaha ayaa waxaa hadalo ka jeedsiyay wasiir ka tirsan xukuumadda Jabuuti oo ku hadlayay magaca madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geele isagoo sheegay in haatan dalka Soomaaliya aysan ciidamo shisheeye wax ka tari karin islamarakaana waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay in dalka Soomaaliya u aas aasaan ciidamo uu isagu leeyahay. Sidoo kale xafladaa ayaa waxaa hadalo ka jeediyay wafuuda ka socota beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Axmed Walad Cabdala waxaana uu shacbiga Soomaaliya ugu baaqay in ay isku duubnaadaan islamaraakana ay ka tanaasulaan cooladaha ka dhex taagan. Dhanka kale wakiilo ka socda midowga Yurub oo xafladaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay taageero buuxda u fidin doonaan maxdaweynaha cusub iyo dowladiisa maadaama dalka Soomaaliya uu in mudo ah dagaalo ku soo jiray. Sheekh Shariif sheekh Axmed oo gaba gabdii xafladaasi hadalo ka jeediyay ayaa isna waxaa uu mahad balaaran u celiyay dhamaan intii ka shaqeysay soo dhisimaha dowladda uu maanta madaxweynaha ka yahay kuwaasi oo ay ugu cad cadyihiin ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdala,Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde iyo gudoomiyihii hore ee Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sheekh Shariif ayaa waxaa uu soo hadal qaaday kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee dhibaatada faraha badan ku haya maraakiibta shisheeye ee ganasiga isagoo tilmaamay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax ugu qabanayaan. Wadamada dariska la ah Soomaaliya ayuu sheegay madaxweynuhu in ay ula dhaqmi doonaan si daris wanaag ah islamarkaana ay iska kaashan doonaan dhamaan waxyaabihii loo baahdo.